Xildhibaan La Weeraray Hoygiisa
Hogya uu magaalada Muqdisho ka degan yahay xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa xalay lagu weeraray bambo gacmeed, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ku dhow mudanaha.
Wararka ayaa sheegaya in Guriga uu degan yahay xildhibaanka oo ku yaala xaafada Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho ayaa fiidkii lagu tuuray bambooyin nooca gacanta laga tuuro.
Mid ka mid ah waardiyaasha guriga xildhibaanka ayaa ku dhaawacmay mana jirsaan khasaare kale ee ka dhashay weerarkan.
Mudane saaxiib la ah xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa u sheegay wariyaha Warsidahaan Wadanka.com in xildhibaanka waqtigaasi uu guriga joogay hase yeeshee waxba aysan soo gaarin.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay saacad ka dib markii bambo kale lagu tuuray dhismaha hay’ada UNDP ay ka degan tahay Muqdisho oo ku yaalla wadada dheer ee isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4.
Weerarka xarunta UNDP ayaan la sheegin wax khasaare ah oo uu geystay.
Idaacadda afka kooxda Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa saakay sheegtay in weeraro lagu qaaday guryo ay degan yihiin mas'uuliyiin ka tirsan dawlada, weeraradaasi oo ay ku sheegtay inay qaadeen kooxdoodu.



del.icio.us
Digg
Comments (4 posted):
Post your comment