Home | Somali News | Qarax Ka Dhacay B/weyne

Qarax Ka Dhacay B/weyne

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaray magaalada B/weyne ayaa sheegaya Ciidamada ee Dowlada Ethiopia oo gacanta ku haaya Magaalada, ayaa waxaa maanta lagula beegsaday qarax geystay khasaaro kala duwan, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gadiid ay wateen Ciidamadaan oo maraayay agagaarka Laanta Nuur Xawaadle ee Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Baladweyne, ayaa waxaa lagu tuuray bam gacmeyd, iyadoo la sheegay inuu bamkaasi ku dhex dhacday gudaha gaari Ural ah, oo ay wateen Ciidamadaani.

Bam-gacmeedkaan ayaa waxaa la rumeysan yahay in Ciidamadaani ay ka soo gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aysan taasi weli wax war ah ka soo kala saarin Maamulka Dooxada Shabelle iyo Saraakiisha  Hogaamisa Ciidamadaani ku sugan magaalada Baladweyne.

Waxaan goobta qaraxa kadib soo gaaray Ciidamo gurmad ah kuwaasoo isku gadaameen, waxaana la sheegay in rayidka ag dhowaa ay bilbaaen iney badan ay ka carareen, inkastoo lagu amray joogsadaan, hase yeeshee dhagaha ka fureysteen, waxaana la sheegay in Ciidamadda Ethiopia ay ku fureyn rasaas badan.

Rasaastaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyooday hal ruux, halka mid kalana la-sheegay in uu ku dhaawacmay, isla-markaana goobtii qaraxa lagula beegsaday Ciidamadda Itoobiya, ayay xilligaan ka wadaan hawl-gallo balaaran.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Ethiopia ay qaraxaasi u soo qabqabteen dhawr ruux oo rayid ah, kuwaa oo la-sheegay inay ka mid yihiin shacabka ku dhaqan Laanta Nuur Xawaadle ee Xaafadda Xaawo Taako.

Majirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay qaraxaasi oo la-rumeysan yahay in uu wax-yeelo ka soo gaartay Ciidamadani, balse waxaa loo fishay mid ay geysatay Dabley ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ama taageerayaashoioda ku sugan magaalada.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0