Home | Somali News | Tiro Badan Oo Maleeshiyad Ah Oo ka Goosatay Shababka

Tiro Badan Oo Maleeshiyad Ah Oo ka Goosatay Shababka

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ka badan 100 Dabley oo ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka kuna hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxay isku soo dhiibeen Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kadib markii wada-hadalo uu u socday.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa sheegaya, Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka taageersan ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda KMG ah, waxayna ka soo goysteen dhinaca deegaanada loo-barakacay ee dhaca duleedka Magaaladda Muqdisho.

Dableydaan oo wata dhowr ka mid ah gaadiidka dagaalada iyo gaari weyn oo ay dhowaan Xoogaga Shabaab ka soo qabsadeen Degaanka Gerille ee duleedka Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxay isku soo dhiibeen Dowladda.

Kooxdani ayaa waxaa la-sheegay inay la-socdaan Hojogayaal dhexe oo ka tirsan Maleehsiyaadka Shabaabka, inkastoo aysan inoo suurta gellin inaanu helno magacyadoodu, balse waxaa la-rumeysan yahay inay miisaan ku lee-yihiin Shabaabka, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkani ay daacad u ahaa Horjooge Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale).

Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka ayaa waxaa lagu wadaa inay iskugu yeerto bahda warbaahinta, si’ay ugu soo bandhigto, tirada intaasi la’eg ee mar qura ka soo goysatay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka garabka Godane.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0