Home | Somali News | Bam-Gacmeed Lagu Weeraray Xarunta UNDP

Bam-Gacmeed Lagu Weeraray Xarunta UNDP

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka laga helaayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay weerar bam gacmeed ah lagu weeraray xarun UNDP-ka ay ku leeyihiin degmadaasi, kaasoo ay ku dhaawacantay haweeney goobta ka agdhaweyd.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” oo la hadlay warbaahinta ayaa usheegay in weerarkaasi loo geystay xaruntaasi, isagoo sheegay in aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda ka dambeysay falkaas.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xalay xarunta UN-ka ee degmada Wadajir lagu tuuray ilaa iyo shan bambo gacmeed, taasoo keentay dhaawaca haweeneydaasi iyo khasaare kale oo gaaray xarunta, waxaana la sheegay in lagu tuhmaayo Maleeshiyaadka kooxda Shababka kuwaasoo laga saaray magaalada Muqdisho goobihii ay gacanta ku hayeen.

Haweeneyda weerarka ku dhaawacantay ayaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0