Madaxii Idaacada Shabelle Oo La Dilay
Agaasimihii idaacadda iyo telefishinka Shabeelle ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Fantaastik ayaa caawa maqribkii waxa ay dabley hubeysan ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warsidahaan u sheegay inay weriyaha dileen dabley ku hubeysnaa bistoolado, xilli uu garaacayay albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Jiiro-miskiin ee degmada Wadajir, waxaana uu ku geeriyooday isla goobta, kaddib markii lagu dhuftay shan xabbadood.
Lama oga cidda dishay weriyaha, oo la geeyay qeybta meydka ee isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha boliska iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Wadajir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inay wadaan baaritaanno, isla markaana ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan wixii ka soo baxa.
Xasan wuxuu noqonayaa weriyihii ugu horreeyay ee sanadkan lagu dilo Muqdisho.
Bishii December ee sanadkii hore ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay weriye Cabdisalaan Xiis oo ka howlgeli jiray telefishinka Horn Caple, iyadoo ninkii lagu tuhmaayay inuu ka dambeeyay dilkaasi oo ku xirnaa xabsiga Boliiska uu ka sii daayay Madaxa Maamulka Gobolka Benadir.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment