Home | Somali News | In ka Badan Labaatan Askeri oo ka Tirsan Somali Land oo Isku soo Dhiibay Maamulka Khaatumo.

In ka Badan Labaatan Askeri oo ka Tirsan Somali Land oo Isku soo Dhiibay Maamulka Khaatumo.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ciidamo ka tirsanaa Maamulka la magic baxay Soomaali land oo ka soo goostay Maamulkaas ayaa manta soo gaaray magaalada Buuhoodle ee Gobolka Tog dheer.

 

Ciidamadam ayaa la sheegey in ay ka soo goosteen Maamulkaasi kana soo baxeen magaalada Laas Caano ee Gobolka Sool ooh awl gal ay u joogeen.

 

Ciidamadan labaataneeyada gaaraya ayaa dhalasho ahaan waxa ay ka soo jeedaan Degaanada SSC kuwaasoo la sheegey in ay hore ugu tirsanaayeen Ciidamada Maamulka Soomaali land.

 

Wasiirka cusub ee  dhawaanta loo magacabay Maamulka Khaatumo Yaasiin Sulu boo ka hadlayay goob lagu soo ban dhigayay Ciidamadaas ka soo goostay Somali land ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ciidamadaas oo uu sheegey in manta wixii ka danbeeya ay ku biirayaan Ciidamada SSC.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Khaatumo ayaa sheegey in dhallinyaradan ka soo goosatay Maamulka Somali land sababta ay uga soo goosteen in ay tahay ka gadaal markii ay u adkaysan waayeen  Xasuuqa loo gaysanayo Shacabka SSC taasoo ka caraysiisay waa siduu hadalka u dhigaye isla markaana ay dhallinyaradan  uga soo goosteen Maamulkii ay u shaqaynayeen.

 

Wasiirka ayaa sheegey in Dhallinyaradan Mushaar loo qori doono isla markaana wixii manta ka danbeeya ay ka shaqayn doonaan ammaanka degaanada ay ka taliso SSC.

 

Yaasiin Sulub Wasiirka ayaa sheegey in maalmihii u danbeeyayba ay dhallinyaro fara badan oo ka tirsanaa Boliiska iyo Millateriga Soomaali land oo u dhashay Maamulkoodas in ay ka soo baxsanayeen Maamulkaas hadda iyo ka danbeeyana ay sugayaan Tiro kale oo dhallinyaradaas ka mid ah oo ka soo baxsata Somali land.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Somali land in kastoo Maamulka Khaatumo State ay sheegayaan in Dhallinyaro fara badan xiligan ay ka soo baxayaan kana soo goosanayaan Maamulka Somali land.

 
Download attachment Download attachment >> Dagaal_295243074.jpg

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0