Ra’iisul Gaas iyo Wafdigiisii oo Maanta Gaaray Dalka Talyaaniga
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz iyo wafdigii uu hoggaaminaya oo goor sii horreysey ka duulay Magaalada Nayroobi ayaa la sheegayaa inuu goor dhow gaaray Magaalada Rooma ee Dalka Talyaaniga.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Rooma si Diiran ugu soo dhaweeyay Safiirka Soomaalida ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde iyo Ra’iisukl wasaaraha Dalka Talyaaniga.
Ra’iisul wasaare Gaaz iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha Rooma waxaa loo sii galbiyay halkii loogu tala galay Wafdiga Soomaalida.
Wafdiga Ra’iisul wasaare ayaa waxa ay iminka wada hadal la leeyihiin Mas’uuliyiinta Talyaaniga.
Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la sheegay inuu war bixin ka siiyay Xukuumadda Talyaaniga Hawlaha Road Mabka iyo wax qabadkii xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegey in xukuumaddiisu wax badan ay u qabsoomeen is;la markaana xiligan ay u diyaar garoobeyso xilliga kala guurka.
Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso wafdigaas ka socda xukuumadda Soomaaliya isla markaana Dawladda Talyaanigu ay sii wadi doonto Kaalmadii ay siin jirtay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga oo fadhigaas ka hadlay ayaa sheegey in xukuumaddiisu haatan ay qorsheyneyso sidii Safaaradeeda Soomaaliya ay dib uga furan lahayd magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegey in ay taageerayaan dadaalka ay waddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinaca Sugidda ammaanka iyo soo celinta kala danabayntii isagoona hoosta ka xarriiqay in Talyaanigu weligiiba bar bar taagnaa Dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya.
Shirka oo iminka soconaya ayaa wararka ka soo baxa waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga danbe iyo marka uu shiku soo dhamaado



Download attachment >>
del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment