Home | Somali News | Buug Laga Qoray Eray-bixinta Kombuyuutarada

Buug Laga Qoray Eray-bixinta Kombuyuutarada

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Munaasibad daah fur ah ayaa loo sameeyey Buug loogu magac-daray Hal-bixinta Ereyada Kombuyuutarka oo uu qoray Qoraa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo), kaasoo ka hadlaya Qalabka uu Kombuutarku ka kooban yahay oo eray bixin af soomaali ah, isla markaana ah Erayo dhaqan ku salaysan uu af soomaali ugu bedelay.

Xafalladan lagu soo badhiggayey buugga Eray bixinta Computerka ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana soo qabanqaabisay Jaamacadda ADMAS, waxaana bandhigan ka soo qayb galey Madaxamaamulka Silaanyo ee Dhinaca Boosaha iyo Isgaarsiinta, Dr.Axmed Xaashi Odey, Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada, Mr: Xasan Cabdi

Madar, Agaasimaha Hay’ada Wadaniga ah ee Candlight, Mr: Axmed Ibraahim Cawaale, Madaxa Hay’ada ICT. Eng Cali Daahir. Cabdale Xaaji Cismaan, Abwaan Axmed Aw Geedi, Maamulka Iyo Ardeyda Jaamacadda ADMAS.

Qoraagga buugga Hal-bixinta Ereyada Kombuyuutarka Qoraa:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo), ayaa ka waramay qiimaha iyo ujeedada uu u qoray buuggan

“ Haddii aad dhowr af taqaanno waxaad tahay afaf yaqaan, hasayeeshee qofka af-yaqaanka ahi waxa uu yaqaanaa dhowr siyaabood oo ay kula duwan yihiin afafku sida qaab-dhismeedka afka.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Guribarwaaqo.

“ Hal-bixinta Kombuyuutarku waxay ku timi waxa had iyo jeeraale la innaga dhaadhiciyaa inaan afkeena waxba lagu baran Karin. Waana markii 1aad ee aan meel fagaare ah ku soo bandhigo fikraddayda.” Ayuu yidhi Qoraaggu.

Qoraaggu Isagoo sharaxaya Buuggan waxa uu yidhi “ Marka aad Kombuyuutar qoraal ku qorayso ee word doonayso inaad wax ku qorto, waxa jira labada dhinac ee word ka af ingiirisi waxa la yidhaahdaa Right marching iyo Left marching, Soomaali ahaan waxa u beddelay Faagga midig iyo Faagga bidix.”

“ Dhaqanka meel keliya iskumaan koobin ee wax badan baan adeegsaday.” Ayuu yidhi Guribarwaaqo, isagoo adeegsaday kelmedo-dhaqameed ay ka mid yihiin, Quraar, Sangiir, rigrig, waxa kale oo uu xusay in kalmadda Processor uu ku bedelay Alooseen, sidoo kale kalmadda Hyphen u macneeyey Xariir oo ka dhigan summada Adhigga, waxa kale oo uu xusay in kelmada Icon uu adeegsaday Shumme oo iyana ka dhiggan summada goobaabo oo xoolaha lagu dhigo.

kelmada Slot waxa uu u bedelay Araar oo macno ahaan ah oodaha badan ee isdabayaal, halka uu sheegay in kelmada Port uu macne ahaan u adeegsaday Kalsho, sidoo kale Kelmadda Memory Stic ayuu soomaali ahaan ugu bedelay Aleen oo ah carrabka ku yaalla kooraha xoolaha lagu xidho.

Intaas ka dib waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadda Admas, Qoraagga reer Jabuuti Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye, Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale iyo aqoonyahano kale.

Waxa isaguna soo gebogabeeyey Madaxa Mamaulka Silaanyo ee Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, “ Waxaan idinku guubaabinayaa inaad buugga wixii ka dhiman aad ku dartaan idinka oo la kaashanaya dadka aqoonta u leh dhaqanka.” Ayuu yidhi wasiirku ku booriyey aqoonyahankii madasha iskugu yimid.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0