Kulanka IGAD Oo Ka Furmay Addis Abeba
Kulan madaxeedka 20aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka furmay magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia iyadoo arimaha Soomaaliya iyo koonfurta Suudan ay yihiin ajendayaasha ugu horeeya ee kulankaasi looga doodi doono.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Wakiilada ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta. Waxaana shirka martigelinaya raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.
Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ku baaqo kordhinta tirada ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ciidamada Kenya loo ansixiyey inay ku soo biiraan.
Warar ku dhow shirka ayaa sheegaya in Ethiopia looga mahadceliyey dagaalkii ay ku qaaday Al-Shabaab ee ay kaga saartay magaalada Beledweyne halka ciidamada la sheegay in ilaa hadda ay dhaqaaqi la’ yihiin.
Dhanka Soomaaliya waxaa shirka uga qeybgalaya wafdi uu hgaaminayo madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iy wafdi uu hogaaminayo.
Gabagabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu taageerayo hawlgalka ciidamada Kenya iyo Ethiopia ay ka wadaan gdaha Soomaaluya kaasoo lagu micneeyey mid lagu caawinayo DKMG ah ee Soomaaliya, inkastoo hawlgalkaasi uu galaaftay nolosha dad rayid ah oo Soomaaliyeed.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment