Home | Somali News | Maxkamadeynta Eedeyanayaasha Qaraxyadii Kampala

Maxkamadeynta Eedeyanayaasha Qaraxyadii Kampala

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaraya magaalada kampala ee dalka Yugandha ayaa sheegaya in Maxkamad ka dhisan magaalada shalay la horkeenay laba qof oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay lug ku lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala bishii July ee lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in eedeysanayaasha lagu kala magacaabo Khaliif Cabdi Muxumed oo 20-jir una dhashay Soomaaliya iyo Yaxye Suleymaan Mbuthia oo 40-jir ah una dhashay dalka Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay iney gacan ka geysteen falalkii lagu qarxiyay laba goob oo kal duwan 11-kii bishii Luuliyo ee sanadkaan, falalkaasi oo ay ku naf waayeen tiro badan oo Yugandhees 6 Ajaaniib kale ahba.la horgeeyay

Labadaa eedaysanayaal ayaa la soo qabtay xili howlgal balaaran ay fuliyeen ciidanka amniga Caaasimada dalkaasi iyo nawaaxigeedaba. Eedeysanayaashan haatan xiran ayaa lagu qiyaasay iney kor u dhaafayaan tiradooda 34-qof, waxaana lagu wadaa in dhowaan la soo taagi iyagoo koox koox ah Maxkamad oo lugaha iyo gacmaha ka xiran, waxaana baarista ka qeyb qaadanaaya Koox ka socda dalalka Mareykanka (FBI-da & Ingriiska Scotlandyard) iyo kuwo Interpol ah, waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka maxkamada & guud ahaan magaalada.  

Boliska Dalka Ugaandha ayaa tan iyo wixi ka danbeeayya 11 Julay waxa ay wadeen howlgalo ka dhan ah dadka Soomaalida iyo dadka kale ajaaniibta ah lugu bartilmaamsanyo iyadoo looga shaki qabo in ay xiriir la lahaayeen kooxihii qaraxyada ka gaystay Kamapala.

Dadkaan lagu tuhmaayo Falalkaasi ayaa Ciidanka amniga  ay xabsiga u tixaabeen iyagoo baaritaano ad adag la marsiinayo kuwaasoo ciidanka Sirdoonka weydinayaan su'aalo la xiriira qaraxyada & xubno ka baxsaday falkaasi kadib magaalada oo lagu raad joogo.

Soomaalida ku dhaqan dalka Ugaandha ayaa iyagu ku nool wal wal iyo cabsi xoogan ay soo food saartay waxeyna ka cabsi qaaban iney samayaan howlgalada iyo dabagalka Ciidanka Dalka ugaandha ay wadaan kuwaas oo iminka xooga saara Soomaalida ku dhaqan dalka ugaandha dhaq dhaqaaqoodaa.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0