Home | Somali News | Ma Dhabaa In Madaxda Dowlada Ay Shirkado Ka Iibiyeen garoonka Diyaaradaha?

Ma Dhabaa In Madaxda Dowlada Ay Shirkado Ka Iibiyeen garoonka Diyaaradaha?

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow xafiisyada Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Heshiis hordhac ah wada gaareen Madaxweynaha Dowlada KMG ah, Sheekh Shariif, Sheekh Axmed & Nin sheegtay inuu madax ka yahay Shirkada SKA Air Logistic Ltd, laguna magacaabo Mr. Mike Douglas, oo kana howl gashay magaalada Nairobi ee dalka, heshiiskaan oo salka k haya sidii Shirkadaani ay u maamuli laheyd garoomada dalka oo dhan gaar ahaan garoonka diyaaradah ee Muqdisho.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in heshsiiskani oo hordhac ah uu dhigaayo in muddo toban sano ah ay Shirkada SKA Logistic ay maamuli doonto dhamaan laamaha Hawada iyo garoomada dalka guud ahaan gaar ahaan kan caasimada Muqdisho, iyadoo sidoo kale shirkadaani loo saxiixay iney u adeegto una sahasho dhamaan safarada Madaxda Dowlada, xildhibaanada & saraakiisha kaleba ee dibadaha, heshiiskaan ayaa la sehegay iney saami ku leeyihiin Madaxda sare sida Madaxweynaha Dowlada KMG ah, Gudoomiyaha baalrmaanka Shariif xasan Sheekh Aadan & Ra'iisul wasaaraha Dowlada KMG ah Dr.Cumar Cabdirashiid Cali kuwaasoo  qalinka ku duugeen in shirkadaasi ay maamulkeeda gacanta ku heyso hawada & garoomada dalka.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagu kulan gaar-gaar ah la kala qaatay Gudoomiyaha (Chiarman & CEO) shirkada SKA Air Logictics Mr. Douglas, iyadoo la sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay inay garoonka Muqdisho ay horumariso isla markaana u dhameystirto wixii ka dhiman, iyo iney saami ka qaado shirkadaha diyaaradaha iyo lacagaha kirada (Landing & Transit Fee)

Sidoo kale Laanta hawada iyo maamulka gudaha garoonka diyaaradaha ayaa la sheegayaa in shirkaddaani ay hoos tegi doonaan, waxeyna ahaan doonaan shirkad kuwa gaar ah loo leeyahya hoosna tagt maamulka Shirkadda SKA Logistic Ltd, waxayna sidoo kale u madax bannaan tahay inay heshiisyo la gasho amaba iyadu hirgeliso ayna dalka keento dhammaanba qalabka ka maqan laanta Hawada & garoonkaba oo dowladdu ay si weyn ugu tiirsaneyd.

Madaxa Dowlada oo kalsoonidii ay ku qabeen Bulshada Soomaaliyeed hoos uga kadib markii la soo dhisay durbadiiba heshiis aan laga fiirsan la gashay Dowlada Kenya isla markaasna bixisay dhul-badeedka Soomaaliya, ayaa hadda ka cabsi qaba iney xilka waayaan horaanta sanadkaan cusub oo la qorsheynaayo in shir kale loo qabto Soomaaliya ayaa bilaabay olole xoogan oo ay ku iibinayaan wixii ka haray qaranka Soomaliya si ay dhaqaale uga kasbadaan inta aan xilka laga xayuubin.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
5.00
Powered by Vivvo CMS v4.0