Home | Somali News | Kenya & Cabsida Mobile-da

Kenya & Cabsida Mobile-da

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Maalmahaan magaalooyinka dalka Kenya waxaad aad ugu kordhayay hadlheynta cabsida laga qabo talefonadasoo dhaca ee kuwa gacanta ah (Mobile), kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad badan ay dhibaato xoogan ka soo gaartay xagga maskaxda talefono No Nambar ah ee loo soo diray.

Idaacadaha, Shirkadaha Isgaarsiinta )Safarki.com, Zain, Orange iyo kuwo kaleba waxeyna labadii maalmood ee ugu dambeysay ku mashquulsanaayeen sidii ay dadka buufiska ka qaaday talefoonada laga soo waco ee No Nambar-ka ah, waxeyna xaqiijyeen in Malaayiin macaamiishood ah ay cbsi xoogan ka qaadeen kadib markii tiro ka mid ahi ay dhibaato xoogan ka soo gaartay talefono laga soo wacay.

Waaxda Isgaasiinta ee Xukuumada Kenya(CCK)  ayaa war cad ka soo saartay Cabsidaasi, iyagoo sheegay ineysan jirin wararka been abuurka ah ee la isla dhex maraayo, Madaxa la socodka Isgaarsiinta  Mr Charles Njoroge ayaa sheegay, in ololahaani ay ka dambeeyaan dadka dano  gaar ka leh, wxuuna qiray iney cabsidaasi ay tahay been fakatay oo la buunbuuniyay.

Mr. Njroge wuxuuna sheegay iney baaris xoogan ku sameeyeen  Lambarada 7888308001, 9316048121, 9876266211, 9888854137, 9876715587 ay yihiin lambaro laga isticmaalo dalalka Ingriiska & India, wuxuuna intaasi raaciyay in Lambaradaasi khadka Internet-ka laga soo waco. wuxuuna sheegay in Idaacadaha maxaliga ah ee FM-ta dalkaasi ay buunbuuniyeen isla markaasna ay baahiyeen warar been abuur ah oo dadka khalkhal geliya, iyagoo xusay in 27 qof ay mashaqadaani ugu geeriyoodeen tiro kalena ay dhaawacyo xoogan ka soo gaareen taasoo ah been abuur xoogan oo xaqiiqda ka fog, wuxuuna ugu baaqay iny joojiyaan  dacaadaha ay baafinayaan.

Shirkadda ugu weyn Isgaarsiinta dalka Kenya ee Safari.com ayaa la sheegay iney khasaare xoogan ka soo gaartay dhacdadaan, Madaxa Shirkadda Mr. Miheal Joseph ayaa sheegay in macaamiil badan oo shirkadooda adeegsan jiray ay hakiyeen isticmaalka khadadkooda kadib wararka been abuurka ah ee la baahiyay wuxuuna sheegay in khasaare xoogan muddo gaaban ay ka soo gaartay shirkadda  

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.00
Powered by Vivvo CMS v4.0