Bosaso oo Raaf Xoogan Ay Ka wadaan maleeshiyaadka Faroole
Maalimihii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in magaalada Bosaso ay ka socdeen Raaf & tarxiil ay wadaan maleeshiyaadka Faroole, kuwaasoo loo geysanaayo dadka ka soo jeeda Konfurta Somaliya iyo kuwa bariga Sanaag, waxaana howlgaladaan la sheegay iney wadaan Maamulka Degaanka ee Al-Ictisaam oo kaashanaya Maleehsiyaadka Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Magaalada ee Maamulka Faroole iyo kuwa Ictisaamka ayaa maalintii 2aad waxaa ay gudaha magaalada Boosaaso ka qabqabteen dad tiro badan oo aan ilaa hadda tira dooda la aqoon, dadka la qab qabtay ayaa dhamaantood waxaa la dhigay xabsiyada kale duwan ee ku yaal magaalada Boosaaso. Horjoogayaasha amaanka ee Boosaaso ayaan ilaa hadda ka hadlin howl galka ay ka wadaa magaalada Boosaaso, dadka la qabqabtay ayaa waxaa ay iskugu jiraan dad reer Boosaasood ah iyo dad ka soo barakacay dagaalka ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobalka Bari ee ka trisan ururka Al-Ictisaamka Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf oo hadal kooban ka siiyay saxaafada ayaa sheegay in howl galka ay wadaan uu yahay mid lagu sugaayo amaanka magaalada, wuxuuna sheegay in howl galka aysan weli natiijo ka gaarin balse ay ku guulesyteen iney magaalada ka tarxiilaan dadka uu ku sheegay iney amaanka dhibaato ku hayaan kuwaasoo uu sheegay iney ka soo jeeda Konfurta Soomaaliya & Gobolka Sanaag, isagoo balan qaaday iney sii wadi doonaan inta ay ka suulinayaan dadkaasi oo uu ku eedeeyay iney dhibaato ku yihiin amaanka magaalada.
Magaalada Boosaso ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxey astaan u noqotay amaan darro iyo falal dilal qorsheysan ah oo loo geysanaayo dadka magaalada ku dhaqan iyo kuwa Maamulkada ama qaraabadooda, maamulka Faroole ayaa ku hor kufay dadka degaanka iney magaalada ku soo dabaalaan xasilooni, isagoo dhowr maamul degaanka ka bedelay, taasoo aan wax horumar xagga amaanka ah ku soo kordhin.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment