Home | Somali News | Faroole & Safarka Addis Abeba.

Faroole & Safarka Addis Abeba.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaayaan safar qarsoodi ahaa uu madaxa maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa shalay galab safar kedis ah ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia isagoo ay diyaarad ay soo dirtay Xukuumada Ethiopia ka qaaday Magaalada garoowe.

Xogtaan ayaa tilmaamtay Safarka Mr. Faroole oo saxaafada laga qariyey ayaa waxaa ku weheliyey, La-taliyaha Raäiisul wasaaraha Dowlada KMG ah Cali Awaare oo muddo ku sugnaa magaalada Garoowe, Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Xarunta Faroole ee Puntland, Wakiilka Siroonka Ethiopia u jooga magaalada Garoowe Mr. Asmalaash iyo Xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya in maalntii doraad aheyd uu safar ku yimid magaalada Garoowe danijaraha Somaliya ee Ethiopia , Saciid Yuusuf Nuur, waxaana la sheegay inuu gacanta u geliyay Mr.Faroole barwo looga soo diray dalka Ethiopia, waxaana sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland uu sheegay in safarka Madaxweynuhu uu ku qotoma xaaladda deegaanka Galgala oo ay maamulka Puntland isku horfadhiyaan ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Saciid (Atom), xaalada guud ee konfurta Somaliya iyo sidii gargaar saanad u badan loo siin lahaa maamulkiisa, wuxuuna sarkaalkan intaasi ku daray inay Suurtagaltahay -da in Mr. Faroole goob joog ahaan uga qeyb galo shirka AU-da iyo IGAD dhowaan la filaayo inuu qabsoomo.

Dhinaca kale Faroole ayaa intii uusan ka ambabixin magaalada Garoowe waxa uu xerada 54-aad ee duleedka garoowe uu tababar ugu soo xiray Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadkisa daraawiishta Puntland, wuxuuna ku gubaabiyey inay ka qeybqaataan difaaca dalkooda, isagoo u sheegay in loo qaadi doono degaanka Galgala si ay uga qeyb qaataan dagaalada halkaasi ka socda.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0