Home | Somali News | AMISOM Oo Ciidamo Lagu Xoojiyay

AMISOM Oo Ciidamo Lagu Xoojiyay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka laga helaayo Saraakiisha Soomaalida ee ku dhow kuwa AMISOM ayaa sheegaya in Dowladaha Burundi & Uganda ay soo dhameystireen Ciidamo oo xoojin ah oo ay maalmihii ugu dambeeyay ku soo daabulaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in Ciidamadaasi ay qeyb ka noqon doonaan kuwa AMISOm ee nanad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Abaandulayaasha Ciidamada Uganda ay soo dhameystireen ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 750 oo askari si ay qeyb uga noqdaan ciidamadeeda hada ka jooga Muqdisho ee ka qeyb galaya howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda Gen. Katumba Wumala ayaa xaqiijiyey in Magaalada Muqdisho ay gaareen 750 oo ka tirsan askartooda si ay ugu biiraan howlgalka AMISOM, wuxuuna intaasi raaciyay in maalamaha soo scoda ay soo dhameystiri doono 250 askaro oo oo ka dhiman halka Guuto ee loo qondeeyay iney Dowlada Uganda ku biiriso kuwa ka jooga magaalada Muqidsho, waxaa uu sheegay in ciidamadani ay ahaayen kuwo si gaar ah muddo la siinaayay tababaro la xiriira dagaalka magaalada & kuwa kale ee la mid ahi, isaga oo u rajeeyey in ay howshooda gudan doonaan.

Dhinaca kale dowlada Burundi oo iyana ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Muqdisho u direyso hal guuto si ay uga qeyb galaan dagaalka hada ka socda Muqdisho ee u dhaxeeya Al Shabaab iyo AMISOM oo garab siineysa dowlada uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Hadii ay Burundi usoo dirto Soomaaliya halkaasi guuto waxaa dhameystirmaya 8,000 oo askari oo ay hada ka hor u balan qaadeen Midowga Africa in ay u dirayaan Soomaaliya.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0