Home | Somali News | Wufuud UN-ka ka Socda Oo Muqdisho Soo Gaaray

Wufuud UN-ka ka Socda Oo Muqdisho Soo Gaaray

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wufuud Caalami ah oo kasocota Xafiisyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Golaha loo dhanyahay, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya & Madax kale ayaa maanta safar Qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho,waxaana ay Kulamo muhiim ah la qaateen Madaxda dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya & Saraakiisha ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya jooga ee Amisom.

Wafdigan oo uu hor kacayey la-taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Siyaasada Mr. P Lynn Pascoe, ayaa waxaa kamid ah Wakiilka guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mr. Augustine Mahiga, waxayna si gaar ah ula kulmeen Madaxweynaha dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya halkaas oo ay kala hadleen xaalka dalka Soomaaliya & dhibaatooyinka xoogan ee loo geysto shacabka ku nool magaalda, kuwaasoo lagu dul dagaalamo, Iyadoo sidoo kale uusan kulankani ka marnayn dib u eegista & qiimeynta Waxqabadka Xukuumada Uu Hogaamiyo Wadaadka Sheekh Shariif ku dhowaad labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lagu wargeliyay in 4 todobaad ee soo socota Golaha amaanka lagu falanqeyn doono arrimaha Somaliya, loogana fadhiya Ergadaani iney diyaariyaan warbixino dhab ka hadal ah ee arrimaha murugsan ee Soomaaliya & dagaalada ay wadaan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan ee Soomaaliya

Saraakiil kamid ah madaxdii Qaramada Midoobey ee Muqdisho timid ayaa Warbaahinta si kooban ugu sheegtay inay u yimaadeen arimo badan islamarkaasna ay madaxda dawlada isla fahmeen dhamaan wixii ay kuwada hadleen,waxayna wafdigu isla shalay ka noqdeen magaalada Muqdisho iyagoo booqday xarunta ugu weyn Amisom ee xalane & iyagoo u kuur galay Dhismaha cusub ee Qaramada Midoobey isla halkaas looga dhisayo, waxeyna ku soo wareegeen qeynaha dhismahaasi.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0