Links
Somali Radio
Sections
Shababka Oo Iclaamiyay Iney Diyaarado Dagaal Ku Soo Biirayaan Dagaalka Muqdisho
Horjoogaha u qaabilsan gobolka Banaadir Maleeshiyaadka Shabaabka Sh. Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), ayaa shir jaraa`id maantay ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha wuxuuna ka dhawaajiyay in duulanka qorsheysan ee AU-da diyaarisay ay ka mid noqon doonaan diyaarado dagaal lana filayo iney ku soo biiraan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Shir jaraa`idka horjoogahan ee maanta ayaa ahaa mid uu ku weydiisanayaan shacabka, iney taageero baalaaran oo xagga dhaqaalaha & Dhalintaba ugu yaboohaan waxa uu ugu yeeray jihaadka ay ku jiraan bishaan barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ka dhawaajiyay in maadaama ay diyaarado kusoo biirayaan dagaalka ay iyagana gacan u fidiyaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada kula jirta dowadda Soomaaliya iyo ciidamada Amisom.
Xubintaan ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada alaabohooda ka raranaya suuqa Bakaaraha, waxaana uu u sheegay in Al-Shabaab aysan madaafiic ka dhex tuurin suuqa gudihiisa balse uu cadowgu iska soo duqeeyo suuqa.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa idaacadaha iyo warbaahinta kale si toos ah usoo fariisanayay horjoogayaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab kuwaasoo dalabyo caawimaad ah weydiisanaya shacabka & Ganacsatadaba.
Dagaalada ay Kooxdani ku dhawaaqday oo ay kula wareegi laheyd magaalada Muqdisho ayaa daba dheeraaday, waxaana uu galay maalinkii 14-aad iyadoona war horumar ah oo la taaban karo aysan labada dhinac ka gaarin marka laga reebo in ka badan 150-ruux oo shacab u badan ay ku dhinteen, ku dhawaad 230-na ay ku dhaawacmeen.
Wali waxaa ka socda degmooyinkii lagu dagaalamayay ee magaalada Muqdisho dagaalo goos-goos ah oo u badan madaafiic ay isweydaaranayaan dhinacyada dagaalamaya.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment