Home | Somali News | Maleeshiyada Afmadow Oo heegan la Geliyay & Wararka Kismaayo

Maleeshiyada Afmadow Oo heegan la Geliyay & Wararka Kismaayo

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay ilaa saakay ay degmada ka taagan tahay cabsi dagaal, iyadoo heegan ku jiraan Maleeshiyaadkii maamulka degmada, Kadib markii lagu wargeliyay in Maleeshiyaad Shababka ah ay duulaan ku yihiin degmada kuwaasoo ka soo dhaqaaqay degaanka Xagar.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaad uu hogaaminayo Hogaamiye Kooxeed Diineed oo lagu magacaabo Sheekh Badal oo muddo bilooyin ka hor ah dagaal looga saaray Afmadow, ayna soo abaabuleen Horjoogayaasha Shababka in lasoo dhoobey degaanka Xagar halkaasi oo la filayo in ay kaga soo duulaamaan degmada Afmadow, Xiriiro aan la sameeyney maamulka degmada oo taageersan Mucarskarka Raskambooni ayaa xaqiijiyay wararkaani waxeyna sheegeen iney maleeshiyo difaac ah geeyeen degaanka danwadaag oo duleedka magaalada ku taal, waxeyna intaasi raaciyeen iney sidoo kale difaac dhigeen buunadada degmada Bu'aale.

Xogtaan ayaa tilaamtay in maleeshiyada maamulka heegan la galiyey si ay isaga difaacaan kooxaha duulanka ku haya degmada, wuxuuna intaasi raaciyay in Maleeshiyada ku sugan degaanka Xagar, la filayaa iney ka yimaadeen dhanka Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Ceelwaaq oo shalay ay kasoo dhaqaaqeen kuwaasoo ku hubeysan gaadiid dagaal sida ay sheegeen ilahaasi magaalada ku sugan. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Afmadoow maamul cusub uu ka dhisey Sheekh Axmed Islaam oo gudoomiye u magacaabay Sheekh Bashiir, waxeyna sheegeen iney cabso qabaan iney maleeshiyaadka Shababka oo gurmad u ah Kismaayo iney marka hore qabsadaan magaalada Afmadow kadibna ay u gudbaan Kismaayo. 


Wararka dagaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu xoogiisu ka socdo xaafadaha Siinay, Aarkada, warshada Hilibka iyo xaafada Qudbiga oo magaalada kaga beegan dhanka qorax u dhac, Xaafada Qudbiga-Jabarti oo ah xaafad ay u badna yihiin Taageerayasha Ururka caanoole, ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen xero maleeshiyaadka Raskambooni & Caanoole, kuwaasoo bilwogii dagaalka la sheegay in laga saaray, kadibna markii ay heleen gurmad dib u soo laabtay, iyadoo dagaalka ay ku soo biireen Mucasrakka Caanoole, waxaana wararku ay sheegaan in xaadafaha oo dhan ay hadda ka dhaceyso xabbada, iyadoo la kala qabsaday gaadiid dagaal & maxaabiis badan labada dhinac ah, waxaa la jaray khadadkii isgaarsiinta ee Hormuud & Telcom, waxaan shaqeynaya oo kaliya Talefonada shirkadda Nation-link, iyadoo dagaalka xoogiisu la sheegay inuu bartahama ka socda halkaasoo daaraha dhaadheer ay saaran yihiin Maleehsiyaadka labada dhinac isna dhaafsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, dadka rayidka ah ayaa qax bilaabay kuwaaoo saameyn ku yeeshay dagaalka Maantay ka qarxay magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale la sheegay in Isbitaalkii magaalada uu qaabilo tiro badan oo dhaawacyo ah bacdamaa uu xoog u socdo dagaalka. 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.67
Powered by Vivvo CMS v4.0