Home | Somali News | Qaybta 19aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 19aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kala fogaanshihii Itixaad iyo Beesha gobolka Gedo 

Qoraalkeenii hore waxa ugu dambaysay Itixaadka oo qabsaday inta badan gobolka Gedo, dagaalna kula jira jabhadii SNF.

Maleeshiyaadkii Itixaad oo dhan waxay iskaga yimaadeen gobalada dalka oo dhan. Ciidankii joogay Marka waxa loosoo raray Luuq. Mucaskarkii laga soo xiray Bari intiisa badana waxa loosoo raray gobolka Gedo. Intii ciidamada Maraykanku ay Muqdisho joogeen horaantii 1993 ayay shuurada ururka Itixaad odayaashoodii ay shirweyne ku qabsadeen magaalada Muqdisho waxana go’aan lagu gaaray in la xirxiro mucaskarada haray oo kala ahaa Marka, Dhoobley, Balad-Xaawo, iyo Luuq oo ay markaas qabsadeen, sida loo xiray midkii gobolka Bari. Go’aankas wax ka hirgalay ma aysan jirin, waxaana meeshiisii kasii socday qorshihii ragga dagaalada waday. Sidoo kale ajaanib fara badan ayaa ka kala yimid aduunka oo soo aaday Luuq, kadib markii taageerayaashii Itixaadku ay aduunka galiyeen in dowlad Islaami ah ay ka dhalatay degmada Luuq. Waxa ka mid ahaa ajaanibtii u guurtay Luuq nin Maraykan ah oo qabay gabar Soomali ah magaciisana lagu sheegay Haaruun, ninkaan oo ku dhaawacmay degmada Buurdhuubo, marna ku sigtay gudaha Itoobiya isagoo la socday ciidamo gaaraya 80 oo laga soo diray Luuq howlgalna kasoo fulinayay gudaha xuduuda. Itixaadkii Luuq waxay bilaabeen howlgalo ay ku weerarayaan gudaha dhulka Somali-Galbeed, waxayna halkaas ka gaysteen dhib wayn oo ay gaarsiiyeen ciidamadii gumaysiga Itoobiya.

Taliska Tigreega oo xiligaas ku cusbaa maamulka Itoobiya wuxu u bareeri waayay inuu soo weeraro gudaha Somaliya iyo fariisinka Itixaad ee Luuq, wuxuna isku dayay inuu la galo Itixaadka heshiis xabad joojin iyo darisnimo ku dhisan, mase suurto galin heshiiskaas. Waxa xusid mudan inuu heshiis horay u dhex maray Itixaadka Ogadenya iyo taliska Tigreega sanadkii 1991, loona ogolaaday Itixaadka inay xafiisyo siyaasadeed ka furtaan Adis-Ababa iyo magaalooyinka Somalidu dagto, kitaabadoodana ay siday rabaan ugu aqrin karaan masaajida Itoobiya. Qoraaladeenii hore ayaan kusoo sheegay in maleeshiyaadkii Itixaadka ee kusoo jabay dagaalkii Kismaayo ay warqad fasax ah ku dhex mareen gudaha Itoobiya ilaa ay ka gaareen gobolada waqooyi Bari Somaliya. Qayta 20aad ayaa uga hadli doonaa Itixaadka Ogadeenya, qaabdhismeedkoodii, cidda ay hoostagi jireen, waxqabadkoodii iyo faa’ido iyo qasaare midkii ay usoo jiideen shacabka Soomaliyeed ee ku hoos nool dhulka gumaysigu haysto.  

Taliska Meles Zanawi isagoo u adkaysan la’ weerarada Itixaadka Luuq, meel uu talo ka bilaabana waayay, ayaa waxa u tagay  odayaashii SNF oo xiligaas uu hogaaminayay Jan. Cumar Xaaji Masale, lagana soo saaray gobolka Gedo, waxayna ka codsadeen inuu siiyo kaalmo Milatari maadaama ay hal cadow wada lee yihiin. Tigreega oo helay fursad dahabi ah ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyay SNF wuxuna la garab istaagay kaalmo hiil iyo hooba leh, waxayna SNF u fasaxday in ciidamada Itoobiya ay soo gali karaan gudaha gobolka Gedo, kana sifayn karaan ururka Itixaad oo ka marooqsaday taladii gobolka.

Beesha Mareexaan ee SNF waxay xiligaas dadaal ugu jirtay sidii ay uga qayb qaadan lahayd siyaasada Jabhadaha Somaliyeed oo ku salaysan qabiil iyo gobolaysi isku dhafan, waxana usoo baxday inaysan qayb ka qaadan karin siyaasada Somaliya haddii aysan gacanta ugu jirin gobolka ay u dhasheen. Taasina waxay keentay inay u maraan wado walba oo ay Itixaad uga saari karaan gobolkooda, haba noqoto inay ciidamo Itoobiyaan ah keensadaane. Madaxdii ururka Itixaad waxay garan waayeen dareenka noocaas ah iyo inay wax ka siiyaan maamulka gobolka qabiilka u dhashay, waxayse taas badalkeeda sameeyeen in degmo walba oo ay qabsadaan ay ka ceyriyeen odaygii beesha ama gudoomiyihii degmadaas halka ay u dhaafi lahaayeen iyaguna ay korka ka maamuli lahaayeen. Waxa dhacday in degmooyinka qaarkood loo dhiibay rag aan u dhalan gobolka iyagoo hadafkoodu uu yahay inay ka gudbeen nidaamkii qaraaba-kiilka ku dhisnaa, maamulada gobolada dalkana aan la kala xigin. Waxa xusid mudan in nidaamka noocaan ah ay waqtigaan ku dhaqmaan ururka Al-Shabaab, waxaa kaloo xusid mudan in Shabaabka maanta jooga ay hogaamiyaan raggii Itixaadka ahaa ee ka dagaalamay sagaashamaadkii gobolada Jubadda Hoose, Gedo iyo Waqooyi Bari. Dhacdooyinkaas waxay keeneen in beesha gobolka Gedo siday u dhantahay gudaha iyo dibada dalka ay soo dhaweeyaan waddo kasta oo Itixaadka looga saari karo gobolka Gedo.

Waxaa sii xoogaystay qilaafaadkii u dhexeeyay  xubnaha Itixaadka waxana mar kale lagu eedeeyay raggii dagaalada jeclaa inay ka dambeeyeen dagaalada gobolka Gedo. Waxa la keenay cadaymo muujinaya in mucaskaraadkii laga soo raray gobolada Waqooyi Bari la iskugu keenay gobolka Gedo oo halkaas laga huriyay dagaal kale. Dood dheer iyo xisaabtan kadibna waxa halkaas kasoo baxay in ragaas aysan isku manhaj aamin sanayn. Ragga dagaalada diidanaana waxay ku doodeen inaan la banaysan dhiiga Soomalida Muslimiinta, lana joojiya dagaalada oo la xirxiro dhamaan mucaskarada hoos taga Itixaadka, dhalin yaradana loo celiyo waxbarasho iyo in shacabka la baro diintooda. Waxay ka digeen in haddii lagu sii socdo wadada hada la hayo uu dhiig badan ku daadan doono gacmaha dhalin yarada Islaamiyiinta ah, xalkuna uu hadhow faraha ka bixi doono.  

Guud ahaan culumada Itixaadku waxay u kala qaybsameen qayb u ololaysa dagaalada oo markii dambe ku haray ururka Itixaad, kana badalay magacii oo u bixiyay Al-Ictisaam iyo qayb kasoo horjeesatay dagaalada, xalna u arkay markii dambe in cilada oo dhan ay tahay aasaaska ururada diiniga ah ee kursi doonka ah, go’aana ku gaaray inay ka baxaan ururka Itixaad dhalinyaradana uga digaan ka mid noqoshada ururada siyaasad doonka ah oo manhajkoodii oo dhan ka dhigay kursi iyo dagaal lagu raadiyo. Ragaas waxan ka xasuustaa magacyadooda sida hoos ku qoran.

Inta diidanayd dagaalada

Sh. C/lahi Diriye Abtidoon, Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh. C/lahi Makaawi, Sh. C/qadir Sh Max. Adan Cukaasha, Sh. C/karim Xasan Xoosh, Dr. Axmed Daahir Aweys, Dr. Cumar Cali Cabdala (Lugeey) Dr. Cusmaan Macalim Max’ud, C/raxman Ibraahim Faarax (Barre-Xusuley) Sh. Xasan Calasow, Sh. C/lahi Cise Cilmi. Inta kore waxay ku jireen Shuurada Itixaad inkastoo ay iskaga bexeen markii ay ku guulaysan waayeen inay ka joojiyaan ururka dagaalada sokeeye.

Waxa jira rag kale oo aan shuurada ku jirin oo diidanaa dagaalada oo aan ka xasuusto. Sh. C/lahi Sh. Xashi Cabdi, Sh. Cumar Shiino, Sh. Max’ud Muumin Haaruun (Rabi ha u naxariistee) Sh. Axmed Caadil, Sh. Cumar Axmed Wehliye, Sh. Max’ed Cosoble, Sh. C/qadir Cadow (Rabi ha u naxariistee) Sh. C/lahi Cilmi Xalane (Rabi ha u naxariistee) Inta u ololayn jirtay dagaalka xiligaas qaarkoodna ay ilaa iyo maanta wadaan dagaaladii waxa ka mid ahaa

Sh. Cali Warsame oo ahaa Amiirkii ururka Itixaad, Sh. C/qadir Nuur Faarax (Gacamey) Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. C/casis Faarax Max’ed (Lagu-Jire) (Rabi ha u naxariistee) Sh. C/lahi Cali Xaashi, Sh. C/waaxid Xaashi Xasan, Sh. Cumar Khadiib, Dr. Axmed Xaji C/raxman, Sh. Max’ed Xasan. Inta kore waxay ku jireen shuurada Itixaadka. Ragga aan ku jiri shuurada oo taageersanaa dagaalada waxan ka xasuustaa Sh. Max’ed Xaji Yusuf oo ahaa Amiirkii gobolka Islaamka ee Gedo, iyo  kuxigeenkiisa Macalim Max’ud Macalim Nuur, Sh. Yusuf Aadan, Sh. C/lahi Max’ud Cise, (Rabi ha u naxariistee) Sh. Max’ed Idiris, Sh. Adan Max’ed Ciise, Sh. Max’ud Axmed Xasan Foodcade (Rabi ha u naxariistee) Sh. C/raxman Sh. Cumar, Sh. C/lahi Axmed Sahal, (Rabi ha u naxariistee) Sh. Adam Cabdule Geele (Adan Garweyne) (Rabi ha u naxariistee) Sh. Max’ed Cabdi Umal iyo rag kale oo fara badan oo aan ku dhamaystiri doona buuga soo socda mustaqbalka dhow.

Qaybihii hore ka aqrista isla bogga wadanka.com dhanka midig ee kore hadaad fiiriso waxad arkaysaa meel ay ku taalo silsilada ururada Islaamka oo buluug ah, hoosna waxad arkaysaa far gaduud ah oo leh Click here, click sii wuxu ku gayn doonaa laga soo bilaabo qaybtii 1aad iyo meesha hada la marayo, hal qayb kaliya ayaa ka maqan waanan soo galin doonaa.
Talo iyo su'aalo: silsilada@gmail.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.40
Powered by Vivvo CMS v4.0