Al-Shabaab Oo Qabsatay Xaafado Hor Leh.
Dagaal balaaran oo ay soo qaadeen xoogaga Al-Shabaab laba maalmood ka hor ayaa waxa u suurto gashay inay qabsadaan dhamaan xaafada Kaaraan iyo qayb ka mid ah xaafada C/casiis ee Waqooyiga Muqdisho. Weerarkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay soo galiyeen Muqdisho gurmadyo uga kala yimid gobolada Koonfureed, Puntland iyo Somaliland. Waxaana looga danleeyahay weeraradan in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto dhamaan xaafadaha aysan ku sugnayn ciidamada AMISOM, ka hor inta aysan soo gaarin wadanka ciidamo kale oo Afrikaan ah oo kusoo fooleh Soomaliya.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa hada ku sugan xerada Gaadiidka Booliska, Xaruntii Nabad Sugidda, Hotel Global, Bar Fiat iyo Garoonka kubada kolayga ee Luujino. Ciidamada dowladda oo ku dagaal galaya qaab beeleed ayaa waxa ka maqan is aaminaadii, waxana jira shakiyo badan oo laga soo sheegayo ciidamada dowlada. Ciidanka dowladda oo u badan maleeshiyaadkii beelaha oo qaarkood ay horay u kala galeen dakanooyin ayaa inta badan iyagu is waardiyaaya halkii ay u wada jeesan lahaayeen xoogaga la dagaalaya.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment