Home | Somali News | Xujayda Sanadkan Oo Laga Reebayo Dadka Da'da Ah.

Xujayda Sanadkan Oo Laga Reebayo Dadka Da'da Ah.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kadib markii uu aduuna ku faafay cudurka loo yaqaan hargabka Doofaarka oo markiisii hore kasoo bilowday dadka cuna Doofaarka ee dalka Mexico ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in sanadkan la baajiyo gudashada Xajka ee sanadlaha ah. Hay'ada caafimaadka aduunka WHO ayaa sheegtay inay wado baaritaan ay dowladda Sucuudiga uga codsanayso in sanadkan la baajiyo xajka, inkastoo aan la ogayn sida dowladda Sucuudigu ay u ogolaan doonto go'aankaas.

Warar hor dhac ah oo kasoo baxaya Sucuudiga ayaa sheegaya in boqortooyadu ay ka fiirsanayso inay baajiso sanadkaan dadka da'da ah ee difaacooda jirku uu liito si ay uga nabad galaan faafidda cudurkaas. Shucuubta Islaamka ayaa kasoo horjeesan doonta go'aamadaas, waxana dhici karta in dowlada Sucuudiga ay soo foodsaarto culays dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay u dhaxayso laba daran mid dooro.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.50
Powered by Vivvo CMS v4.0